822 Views

Jen, Gebremedhin Fikadu oo Gudaha Soomaaliya aad looga Yaqiinay oo La Xaqiijiyay Geeridiisa

Jen, Gebremedhin Fikadu oo Gudaha Soomaaliya aad looga Yaqiinay oo La Xaqiijiyay Geeridiisa
____________________________________________________________________________

Axad: May 8, 2022

Jen, Gebremedhin Fikadu oo kamid ahaa saraakiisha u sareysa Ciidanka Itoobiya ee galay Soomaaliya 2006, ilaa 2017, kiina joogay gudaha dalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey dhimashadiisa, isagoo xabsiga kujiray.

2020-kii ayaa la qabtay, isagoo isku diyaarinayay abaabul ka dhan Xukuumadda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Axmed.

Fikadu, ayaa kasoo jeeday Qowmiyada Tigrey, TPLF xubin firfircoon oo howlahooda Soomaaliya ah ayuu ahaa, waxaana la xiray markuu uu bilowday Isbedelka Itoobiya nidaamkeda lagu sameynayay, qolka uu kuxirnaa ayaa kudumay sida Booliska Federaalka xaqiijiyeen, mana kamid aheyn dadkii Cafiska loo fidiyey.

Gebremedhin, ayaa horey uga qeyb noqday Gaboodfalonka dhanka ah xaquuqda aadanaha oo ka dhacay dhulka Soomaali Galbeed iyo Soomaaliyada xorta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post