783 Views

Racep Tayyip Erdogan oo sheegay in uu isha ku hayo xaaladda qowmiyadda Uighur ee Muslimiinta dalka Shiinaha.

Racep Tayyip Erdogan oo  sheegay in uu isha ku hayo xaaladda qowmiyadda Uighur ee Muslimiinta dalka Shiinaha.
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

 Dowladda Turkiga, ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Racep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in uu isha ku hayo xaaladda qowmiyadda Uighur ee Muslimiinta dalka Shiinaha.

War ay soo saartay xukuumadda Ankara ayaa lagu sheegau in Turkiga uu diiradda saarayo sidii uu u xaqiijin lahaa in dowladda Shiinaha ‘ay dadka kasoo jeeda Uighur ula dhaqanto si caddaalad ah oo aan ka duwaneyn sida shacabka kale ee waddankaas’.

Cumar Selik, oo ah afhayeenka xisbiga talada dalka Turkiga haya ee Caddaaladda iyo Horumarka (AKP), ayaa yidhi: “Waxaan aragnay muuqaal laga soo duubay gobolka Xijiang. Sida kaliya ee warkaas xun lagu soo afjari karo waa in dowladda Shiinaha ay joojiso ficilladeeda ka dhanka ah Muslimiinta Uighur.”

Sanadkii lasoo dhaafay ayuu Selix sidoo kale sheegay in Shiinaha looga baahan yahay in uu wax ka baddalo siyaasadihiisa ku wajahan qowmiyaddaas, loona baahan yahay “inuu si cad u kala saaro argagixisada iyo shacabka aan waxba galabsanin”.

Goor sii hooreysayna, wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in ay “ka walaacsan tahay xaaladda xuquuqda bani’aadannimo ee qowmiyadda Uighur ee ku sugan gobolka Xinjiang”.

War ay wasaaraddu xilligaa soo saartay ayaa lagu yidhi: “Turkigu wuxuu aqbali karaa oo kaliya in shacabka Uighur loola dhaqmo si caddaalad ah oo la siman muwaadiniinta kale ee Shiinaha.”

Waxaa kale oo wasaaraddaas laga soo xigtay in shir-weynaha Qaramada Midoobay ee 70-aad uu guddi ka socda Turkiga kusoo bandhigi doono mowduuc ku saabsan qowmiyadda Uighur.

Guddigaas ayaa warbixinta uu diyaarinayo waxa uu ku xusi doonaa in “Iyadoo la qaddarinayo madaxbannaanida dhuleed ee Shiinaha haddana laga doonayo in dowladda ay xaqiijiso sidii ay dadka Uighur ee ku sugan gobolka Xinjiang ugu noolaan lahaayeen nabad, diintooda iyo dhaqankoodana looga dhigo xor”.

Baarlamaanka Canada ayaa dhawaan u codeeyay in sida uu ula dhaqmo Shiinaha qowmiyadda Muslimiinta u badan ee Uighurs uu yahay “xasuuq” ka dhan ah bulshadaas.

Moshiin ku saabsanaa tacaddiyada Shiinaha uu kula kaco Uighurs, oo baarlamaanka la hor geeyay, ayaa waxaa tageeray dhammaan xisbiyada mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga haya talada dalkaas.

Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo qaar badan oo kamid ah golahiisa wasiirrada ayaa ka aamusay arrintan.

Canada ayaa markaas noqday dalkii labaad ee aqoonsado in xasuuq uu Shiinaha ku hayo dadka laga tiro badan yahay ee ka tirsan qowmiyadda Uighurs, Mareykanka ayaa goor sii horreysay aqoonsaday dhibaatada lagu hayo dadkaas.

Xildhibaanada Canada ayaa sidoo kale ansixiyay qaraar dowladda looga codsanayo inay jeediso baaq caalami ah oo lagu dalbanayo in Shiinaha aanan lagu qaban ciyaaraha Olimbikada ee la qabto xilliyada qaboobaha sanadka 2022-ka, waa haddii Shiinaha uu si wado “xasuuqa”.

Shiinaha oo ka jawaabay tallaabadan ayaa cambaareeyay isla markaana ka hor yimid go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Canada, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post