774 Views

Hay’adda Qaramada Midoobay ee ilaalinta deegaanka oo sheegtay in baatroolka lagu daro maadada Lead dunida laga cidhib tiray

Hay’adda Qaramada Midoobay ee ilaalinta deegaanka  oo sheegtay in baatroolka lagu daro maadada Lead dunida laga cidhib tiray
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021

Hay’adda Qaramada Midoobay ee ilaalinta deegaanka ee magaceeda loo soo gaabiyo UNEP ayaa sheegtay in baatroolka lagu daro maadada Lead dunida laga cidhib tiray oo la joojiyey isticmaalkiisa.

Waxay ku tilmaantay joojinta shidaalka ay ku jirto maadad Lead guul weyn oo la gaadhay. Shidaalkaas ayaa sumeynayey hawada, biyaha la cabbo iyo dalagyada beeraha muddo ku dhaw qarni.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in joojinta shidaalka noocaas ahi badbaadin doono 1.2 milyan oo caruur ah oo iyaga oo uurka lagu sido dhiman jiray sannad walba, sidoo kale in ay aad u yarayn doono cudurada wadnaha ku dhaca iyo kansarka iyo inuu gacan ka gaysan doono in dhalaanka maskaxdoodu si caafimaad qabta u korto.

Sannadihii 1980-aadkii ayaa dalalka hodanka ah badankoodu mamnuuceen adeegsiga baatroolka ay ku jirto maadada Lead laakiin haatan waxa uu sidaa ku soo gabogabooyaaa maadaama oo Algeria oo bishii hore uu ka dhamaaday ay noqotay dalkii ugu dambeeyey ee joojiya adeegsiga shidaalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post