171 Views

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Madaxweyne Deni Ku eedeeyay Keligii talisnnimo

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Madaxweyne Deni Ku eedeeyay Keligii talisnnimo
____________________________________________________________________________

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku tilmaamay katitalisnimo iyo inuu awoodda dowladnimasa uu isku koobay.

Karaash oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa kaga dhigay madaxweyne Deni inuu qaato go’aan masiiri ah uusan kala tashan, isaga oo intaas ku daray in cawaaqibka ka dhasha uu caadi doono sida uu hadalka u dhigay, waxaana muuqda khilaaf burba soo baxaya.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil. Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Khilaafka labada dhinac ayaa kusoo aadaya iyadoo maxkamadda dastuuriga ah ay laashay muddo-kordhin hal sano ah oo loo sameeyay golaha wakiillada, kadib go’aankii kasoo baxay shirkii Isimada ee dhexexaadinta, xilli lagu muransan yahay go’aannada isdiidan ee soo baxay.

__________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post