807 Views

Taalibaan oo lagu eedeeyay in haweenay xaamilo ah oo Booliis ah ay dilleen

Taalibaan oo lagu eedeeyay in haweenay xaamilo ah oo Booliis ah ay dilleen
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

 Xoogaga Taalibaan ee haatan la wareegay dalka Afghanistan ayaa toogtay haweeney boolis ah oo ku sugneyd caasimadda gobolka Ghor, sida ay BBC -da u sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Banu Negar, ayaa lagu dilay guriga qoyskeeda oo ay ku sugnaayeen dad ehelkeeda ah.

Dilka ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ay sii kordhayso caburinta haweenka Afghanistaan.

Taalibaan ayaa BBC -da u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn geerida Negar, ayna baarayaan dhacdadan.

Afhayeen Zabiullah Mujaheed ayaa yiri: “Waan ka warqabnaa dhacdadan waxaanan xaqiijinayaa in Taliban aysan dilin, baaritaankayagu wuu socdaa”.

Wuxuu intaas ku daray in Taliban ay mar hore ku dhawaaqday cafis ay u fidinayso dadkii u shaqayn jiray maamulkii hore.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post