1116 Views

Sidee ayuu ‘ninkii ka dambeeyay 9/11’ uga baxsaday gacanta FBI-da?

Sidee ayuu ‘ninkii ka dambeeyay 9/11’ uga baxsaday gacanta FBI-da?
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 8, 2021

Ninka lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qorshihii khasaaraha badan uu ka dhashay ee diyaarad rakaab oo la soo afduubtay lagu dul marsiiyay dhulka Mareykanka 20 sano kahor ayaa haatan sugaya maxkamadeyn. Balse malaga hortagi karay sanado kahor intuusan falkaas ku kicin?

“Wuxuu ahaa qofkeyga.”

Frank Pellegrino wuxuu fadhiyay qolka hoteel ku yaalla Malaysia markii uu arkay sawirrada diyaaradda oo ku dul burburtay Daaraha Mataanaha ah. Wixii ugu horreeyay ee uu ku fekerayay waxay ahayd: “Allah, waxaa sidaa sameeyay Khaalid Sheekh Maxamed”

Bartilmaameedka iyo hadafku way is lahaayeen waxaana jira qaab gaar ah oo uu Pellegrino ku ogaaday.

Sarkaalkii hore ee FBI-da ayaa daba joogay Maxamed muddo ku dhow 30 sano, haddana ninkan la sheegay inuu ka dambeeyay 9/11 weli caddaaladda lama marsiin.

Qareen u doodaya Maxamed ayaa BBC-da u sheegay in laga yaabo in 20 sano oo kale ay qaadato kahor inta aan la soo gabagabeyn kiiska.

Osama Bin Laden, oo xilligaas ahaa madaxa Al-Qaacida, waa ninka inta badan lala xiriiriyo weerarradii 9/11. Balse xaqiiqdu waxay tahay in Maxamed – ama “KSM” markii la bartay kaddib – inuu ahaa “qaabeeyihii koowaad”, sida laga soo xigtay Guddiga 9/11 oo baarayay weerarrada. Wuxuu ahaa ninkii la yimid fekerka una geeyay Al-Qaacida.

Wuxuu ku dhashay Kuwait, wuxuuna wax ku bartay Mareykanka kahor dagaalkii Afghanistan 1980-meeyadii. Sanado kahor weerarkii 9/11, sarkaalkii ka tirsanaa FBI Frank Pellegrino ayaa u xil saarnaa maxkamadeynta ninkaas.

Pellegrino ayay FBI u xil saartay inuu baaro weerarkii 1993 lagu qaaday Xarunta Gacansiga Adduunka. Markaas ayay ahayd markii ugu horreysay ee magaca Maxamed uu ku soo dhacay niyadda Mareykanka sababtoo ah wuxuu xilligaas lacag u diray mid ka mid ah dadkii ku lugta lahaa weerarka. Sarkaalka FBI ayaa xaqiiqsaday inta uu la eg yahay damaca Maxamed sanadkii 1995 markaas oo lala xiriiriyay inuu qorsheynayay qarxinta dhowr diyaaradood oo caalami ah. Bartamihii 1990-meeyadii, Pellegrino wuxuu si dhow ula socday ninkan, isagoo ogaaday inuu joogo Qadar.

Isaga iyo koox ayaa tegay Cummaan halkaas oo ay uga gudbeen Qadar si ay u soo xiraan Maxamed. Waxaa diyaarsaneyn diyaarad la doonayay in ninkaas lagu soo qaado. Balse waxaa jirtay diidmo ka timid diblomaasiyiintii Mareykanka ee gudaha joogay. Pellegrino wuxuu aaday Qadar wuxuuna safiirka iyo saraakiil kale u sheegay in Maxamed uu ku heysto qorshe qarxin diyaarado ah. Balse wuxuu sheegay inay u muuqdeen kuwo ka walwalaya inuu dhibaato ka geysan doono gudaha Mareykanka.

Markiiba wuxuu safiirka u sheegay Pellegrino in saraakiisa Qadar ay waayeen Mohammed. “Waxaa jirtay caro iyo ciil,” ayuu yiri. “Waynu ogeyn markaas inay ahayd fursad luntay.”

Balse wuxuu qirayaa in bartamihii 90-meeyadii aanan Maxamed loo arki jirin bartilmaameed muhiim ah. Pellegrino xitaa kuma uusan darin Liiska Tobanka qofood ee uu Mareykanku doon doonayo. “Waxaa la ii sheegay in argagixiso aad u badan ay liiska ku jirto.”

Maxamed wuxuu u muuqday in loo sheegay danta uu Mareykanku ka leeyahay isla markaana uu u qaxay Qadar, isagoo markii dambe ku dambeeyay Afghanistan.

Sanadihii xigay magaca KSM ayaa meel walba laga maqlayay, xitaa buugaagta tambarrada telefoonka lagu qorto ee ay siteen dadka argagixisannimo looga shakiyo ee adduunka daafihiisa lagu xiro, taas oo caddeysay inuu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada. Sanadahaas ayay ahayd markii uu Bin Laden ula tegay fekerka in duuliyeyaal loo tababaro inay diyaarado dul marsiiyaan dhismooyin ku yaalla Mareykanka.

Kaddib weerarradii 9/11 ayaa dhacay. Shakiga Pellegrino ee doorkii uu KSM ku lahaa arrintaas ayaa isla markiiba caddaaday markii qof Al-Qaacida ka tirsanaa oo xabsi ku jiray uu aqoonsaday. “Qof walba wuu xaqiiqsaday inuu ahaa qofkii waxa sidaa sameeyay,” ayuu yiri Pellegrino. “Markii aan ogaannay inuu isaga ahaa, ma jirin qof iga murugo badnaa.”

Sanadkii 2003, Maxamed waxaa lagu arkay Pakistan waana la xiray. Pellegrino wuxuu rajeynayay inuu ku maxkamadeyn doono dacwaddii uu ka shaqeynayay. Balse haddana waa la waayay. CIA-da ayaa geysay “meel madow” iyadoo la adeegsaday “khiddado su’aalo weyn oo casri ah”.

“Waxaan doonayaa inaan ogaado waxa uu yaqaanno, waxaana doonayaa inaan si deg deg ah u ogaado,” ayuu xilligaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan CIA.

Maxamed waxaa biyo la dhex geliyay ugu yaraan 183 jeer, mararka qaar “inuu ku qaraqmo ayuu u dhowaaday”. Waxaa lagu sameeyay falal cadaab ah, hurdo la’aan, inuu is qaawiyo oo lagu qasbay iyo in loo sheegay in carruurtiisa la dili doono.

Wuxuu xilligaas qirtay inuu ka dambeeyay qorshooyin badan. Balse warbixin uu Senate-ka Mareykanka mar dambe soo saaray ayaa lagu sheegay in inta badan warbixinta la soo saaray ay ahayd wax uu iska abuuray maxbuuska.

Kaddib markii barnaamijka xiritaanka ee CIA la shaaciyay, “maxaabiis sare” sida Maxamed ayaa loo wareejiyay Guantanamo Bay sanadkii 2006. FBI-da ayaa ugu dambeyn loo oggolaaday inay gaalan xabsigaas.

Bishii January 2007 Frank Pellegrino ayaa si fool ka fool ah ula kulmay ninkii uu muddada dheer ku raad joogay.

Raggan ayaa kursi iska soo horjeeda ku fadhiistay.

“Waxaan doonayay inaan ogeysiiyo inaan anigu ku lug lahaa dacwad ku soo oogiddiisii sanadihii 90-meeyadii,” ayuu yiri, isagoo rajo ka qabay inuu waddada u furo wada hadal looga soo saarayo warbixin ku saabsan 9/11.

Ninkaan hore uga tirsanaa FBI-da oo aan faafaahineyn wixii uu ninku sheegay ayaa yiri “waa nin aad u sheeko badan oo bani’aadannimo ay ku jirto, rumeyso ama ha rumeysan”.

KSM ayaa loo arkay mid “is muujin” ku sameynaya dhegeysiga dacwadda oo ka dhaceysay Guantanamo, Pellegrino ayaana ninkaasi argagixisannimada looga shakisan yahay ee aan caalamka laga aqoon ku qeexay “Kardashian” isagoo ula jeeday baahida uu u qabay inuu caan noqdo balse wuxuu sheegay inuusan wax shalley ah muujin.

Ma qiran doonaa mise maxkamadeyntaas ayuu ka faa’iideysanayaa? “Waxaan u maleynayaa inuu ku qanacsan yahay wixii uu sameeyay, balse uu jecel yahay is tus tusidda,” ayuu yiri.

Kaddib lix maalmood oo wada hadal ah Maxamed wuxuu sheegay inay intaasi ku filan tahay. “Intaas ayayna ku dhammaatay,” ayuu yiri Pellegrino.

Isku dayo badan oo caddaalad loogu raadinayo 9/11 ayaa dhicisoobay. Qorshe maxkamadeyn loogu sameynayo New York ayaa baaqday kaddib markii diidmo laga keenay. “Qof walba wuu qeylinayay ‘Ma doonayo inaan ninkan arko. Ku haya Guantanamo,'” ayuu yiri Pellegrino, oo qudhiisa ka soo jeeda New York.

Kaddib maxkamadeyn militari ayaa loogu sameeyay Guantanamo. Balse waxaa hannaanka maxkamadeynta daahiyay xanuunka safmarka ah ee Covid. Dhegeysiyo badan ayaa dhacaya toddobaadkan dhexdiisa balse go’aanka ayaa muddo dheer qaadan doona.

Qareenka Mohammed ayaa aaminsan in dhegeysigan ugu dambeeya lagu doonayo in warbaahinta lagu tusiyo inay howl socoto sanad-guuradan 20-aad ee 9/11. David Nevin ayaa BBC u sheegay inuu rajeynayo “Muddo ilaa 20 sano ah in lagu soo afjaro hannaanka.”

Qareenkan ayaa kiiskan ku lug lahaa tan iyo sanadkii 2008. Qorshihii hore wuxuu ahaa in isla markiiba la bilaabo maxkamadeynta. Balse xitaa uma dhowa in la bilaabo, ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in xaakimka cusub ee la soo magacaabay uu yahay “kan siddeedaad ama sagaalaad” hadba sida aad u xisaabto.

Xaakimka ayaa ku qasbanaaday inuu u kuur galo qiyaastii dokumentiyo ka kooban 35,000 oo bog oo laga qoray dhegeysiyadii hore oo uu Nevin ku sheegay inay tahay “maxkamadeyntii dembiga ee ugu weyneyd taariikhda Mareykanka”.

Waana tan ugu weyn ee lagu muransan yahay.

Tani waxaa sabab u ah in dhammaan shan eedeysane ay CIA ku xirtay meel qarsoodi ah ayna marsiiyeen ciqaab adag.

Taasi waxay horseedday muranno la xiriira in caddeymuhu ay saameyn ku yeesheen wixii ka dhacay meelaha lagu magacaabo goobaha madow.

Mareykanka “ayaa soo qabanqaabiyay isla markaana hirgeliyay barnaamij si cad loo qeexay oo lagu jirdilayo raggaas,” ayuu yiri Nevin. Tallaabooyinkaas ayaa suurto gelinaya in racfaan laga qaato dacwad walba oo muddo dheer soo jiitameysay.

Nevin wax faahfaahin ah kama bixin waxa ay uga dhigan tahay inuu wakiil ka noqdo eedeysanayaasha ugu ba’an adduunka. Wuxuu sheegay in markii hore uu ninkaasi “aad uga meermeerayay” inuu wakiil ka noqdo qareen Ameerikaan ah sidaas darteedna ay waqti aad u dheer ku qaadatay inay is bartaan.

Markii Mohammed lagu hayay meel sir ah oo ka tirsan saldhigga ciidamada badda qareennada waxaa la geliyay gaari ay daaqaduhu madow yihiin waxaana la sii waday ilaa 45 daqiiqo si loo wareeriyo, ayuu yiri. Balse hadda ninkaasi wuxuu ku xiran yahay meel sidii hore dhaanta oo ah Xerada 5.

“Waxaanu aad uga shaqeynaa inaynaan sameyn wax sii damqinaya xanuunka ay in muddo ah dareemayeen,” ayuu yiriNevin. Sabab kale oo uu aaminsan yahay inay kiiska dheereysay waa inuu yahay kiis xukun dil ah. “Mar hore ayaa la soo gabagabeyn lahaa haddii aysan dowladdu dooneyn in la dilo raggaan.”

Pellegrino ayaa saddex sano dib u dhigay inuu ka fadhiisto FBI isagoo rajo ka qabay in maxkamadeynta militari ee Mohammed ee Guantanamo ay soo afjarmi doonto, taas oo uu rajeynayay inuu marqaati ka noqdo. Balse ninkan ayaa gaaray da’dii howlgabka wuuna ka tegay hay’adda.

Wuxuu aaminsan yahay in haddii Maxamed la qaban lahaa sanadihii 1990-meeyadii ay taasi ka hortagi kartay 9/11.

Pellegrino ayaa dib u dhigay muddo seddex sano ah xilliga uu hawlgabka ka noqon lahaa FBI-da si uu meel ugu ogaado kiiska Maxamed.

Maadaa uu muddo adduunka ka raadinayay Maxamed, wuxuu sargaalkan rumeysanyahay in uu guuldaraystay, wuxuuna jeclaan lahaa in la xukumo inta uu weli shaqada ku jiro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post