213 Views

Cali dheere “Bangiyada Soomaaliyeed cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah dhiibataan oo aad siisaan Gaalada

Cali dheere “Bangiyada Soomaaliyeed cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah dhiibataan oo aad siisaan Gaalada
____________________________________________________________________________

.

Sabti: January 28 2023

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka.

Cali Dheere ayaa sheegay in sharcigaan ay dowladda federaalka oo gadaal ka riixayo Mareykanka uga dan leeyihiin beegsiga shirkadaha ganacsiga wadanka iyo dadka ganacsatada ah, loona boobi lahaa hantidooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa qorshe uu Mareykanku wax badan kasoo shaqayay, uuna u diyaarsaday (dowladdii) u fulin lahayd,

 hay’adihiisii ka hawl-geli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

“Waxaad ogtihiin in Mareykanku hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida, kuwaasi oo uga digay in ay xogta macaamiishooda la wadaagan dowladda.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan.”

Waxa kale oo uu sheegay in kooxda ay isha ku hayso bangiyo uu ku sheegay ajaanib oo raba inay yimaadan gudaha Soomaaliya “Waxaan leenahay xogtiina waan haynaa iyo waxa aad u socotaane dalkaan ha isku soo lugooynina. Shilin ummada Soomaaliyeed ledahay qaadan maysaane lafihiina haku qamaarina.”

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqda mid culeys badan ka wajahay ansixinta hindise-sharciyeedkan oo dowladda ay sheegtay inay kula dagaalameyso dadka maal-galiya kooxaha argagixisada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay inay xirto akoono iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana weli socda dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post