1050 Views

SAWIRO:-Mareykanka oo Gaadiid dagaal ku wareejiyay dowladda Soomaaliya

SAWIRO:-Mareykanka oo Gaadiid dagaal ku wareejiyay dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika o loo yaqaan ( AFRCOM) ayaa Maanta oo talaado ah waxaa Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku wareejiyay Gaadiid dagaal noocyadiisa kala duwan.
Munaasabad kooban oo Gaadiidkaas uu kula wareegayay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka & Taliska AFRICOM.

Gadiidkan Maanta lagu wareejiyay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka kumandooska DANAB  Ee Xoogga dalka, kuwaas oo dagaal adag kula jira Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage aya uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkaan ay kusoo wareejiyeen, isaga oo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ay ugu Shaqeyn doonaan.
Saraakiil ka socotay
Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika o loo yaqaan ( AFRCOM dhankooda waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo Gobolada dalka ka wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post