78 Views

Taliyaha CXDS oo booqday Kulliyadaha tababarka Ciidamada dalka Qatar

Taliyaha CXDS oo booqday Kulliyadaha tababarka Ciidamada dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Doxa — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Cirka ee XDS General Maxamuud Sheekh Xasan (Dable baylood) ayaa Booqday Kulliyadaha tababarka Ciidamada dalka Qatar,

halkaasi oo ay tababar kala duwan ku qaadanayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaalia.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa warbixinno ka dhageystay macallimiinta tababarka siinaya Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Saraakiisha tababarka ku qaadanaya dalka qatar ayaa kula dardaarmay in ay si hufan u qaataan Casharrada la siinayo, waxuuna xusay in dalkooda uu ubaahan yahay, muhiimadduna ay tahay in ay ka faa’idaystaan fursaddan qaaliga ah.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad-caliyay dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post