672 Views

Dood ka dhalatay mar kale Hadal kasoo baxay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu ku difaacayay mabaadii’da ku saleysan cilmaaniyadda..

Dood ka dhalatay mar kale Hadal kasoo baxay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu ku difaacayay mabaadii’da ku saleysan cilmaaniyadda..
____________________________________________________________________________

Hadal kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu ku difaacayay mabaadii’da ku saleysan cilmaaniyadda ayaa dood ka dhex dhaliyay dad carab ah iyo dad kasoo jeedo Faransiiska kuwaas oo isticmaala baraha bulshada.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay “Cilmaaniyadda Faransiiska cidna ma aysan dilin” , hadalkaas ayaa u muuqda mid uu uga jawaabayo dhaleeceeynta loo jeediyay dowladdiisa kaddib hadalkii uu madaxweynaha ka sheegay Islaamka iyo muslimiinta kaddib markii dib loo daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed.

Cilmaaniyadda Faransiiska waa mid su’aal la geliyay

Qaar kamid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa ka hor yimid hadalka Macron isla markaana ku jees jeesay, waxay sheegayaan “In xiisadda hor leh iyo fikradd u gaarka ah qofka ay qireyso in arrinta aysan waxbo ka jirin”

Dadka qaar ee dhaleeceeyay hadalka madaxweynaha waxay sheegayaan in uu ugala jeediyay taariikhda guumeysiga ee dalkiisa gaar ahaan Algeria oo dhawaanahan u dabaaldageysay 66 sano guuradii kasoo wareegtay markii uu bilowday kacaankii laisaga xoreynayay guumeystaha.

Dad qaar waxay barbardhig ku sameynayeen cilmaaniyadda Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka, waxay aragtidooda ku aadaneynd “In tallaabo loo dhan yahay oo laga wadahadlay laga qaato arrimaha ku saabsan diinta iyo dhaqamada kale”

Mid kamid ah dadka adeegsada Twitter-ka ayaa sheegay “Maxay tahay faa’idada cilmaaniyadda ee uu Faransiiska xoojiyay? Hadafkeeda ma uusan aheyn in looga hortaggo dhibaatooyin ka dhan ah diimaha iyo difaacidda dadka kala duwan? sii looga hortaggo tacadiyadda ka dhaca adduunka, kuwan miyaysan kamid aheyn mabaadii’da kacdoonka Faransiiska?

Dadkii difaacayay hadalka Macron waxay ku tilmaameen in ‘uu ku saabsan fikrad isku dhaf ah oo isku xireyso taariikhda guumeysiga Faransiiska iyo cilmaaniyadda

Taageerayaasha Macron waxay sheegayaan “In guumeysiga uu yahay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo qarniyo badan soo jiray oo ay wadeen dalal badan si ay saameyn ugu yeeshaan dunida balse cilmaaniyadda ay tahay dhaqdhaqaaq dhanka maskaxda ah oo cilmiyeysan oo lagula tacaalayo waxybaaha haatan taagan”

Fikradda ku saabsan “Diinta iyo cilmaaniyadda”

Hadalka kasoo baxay Macron waxaa ku kala aragti duwanaa dad badan, dadka taageersan waxay sheegayaan in “Cilmaaniyadda ay tahay habka ugu waanagsan ee wax lagu maamuli karo oo soo afjari karto kooxaysiga, kooxeysiga iyo qalalaasaha siyaasadeed waa waxa ka socda dalalka gobolka”

Dadka taageersan cilmaaniyadda waxay rumeysan yihiin “Waa in diimaha marka hore loogu baaqo inay adeegsadaan cilmaaniyadda sababta oo ah waa kuwa ugu horreeya ee ka faa’ideysanayo, waxayna ka xoreyneysaa saameynta awoodaha siyaasadeed iyo tacaddiyada”

Halka dadka kasoo horjeeda cilmaaniyadda ay sheegayaan in haatan dalalka carabta iyo waddamada muslimka ah “ay u dhaw yihiin cilmaaniyadda” isla markaana ay ku guuldareysteen inay xaliyaan dhibaatooyinka ka dhex taagan bulshada.

Laakiin cilmaaniyadda dalka Faransiiska ayaa waxay udub dhexaad u tahay aqoonsiga qaranka Faransiiska.

Faransiiska ayaa sheegay in xakamaynta xorriyatul qowlka si loo ilaaliyo dareenka koox gaar ah, ay wiiqayso midnimada dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post