339 Views

Dhalinyaro TikTok ku aflagaadeyay mas’uul dowladeed oo lagu riday xukun aaney fileyn dalka Nigeria

Dhalinyaro TikTok ku aflagaadeyay mas’uul dowladeed oo lagu riday xukun aaney fileyn dalka Nigeria
____________________________________________________________________________


Talaado: NOVEMBER 8, 2022

Laba nin oo ka mid ah dadka isticmaala barta TikTok ee dalka Nigeria ayaa lagu xukumay karbaash waxaana ay maxakamddu ku qasabtay in ay nadiifiyaan guriga maxkamadda kadib markii si jees-jees ah ay wax uga sheegeen mas’uul ka tirsan dowladda.

Mubarak Cise Maxamed iyo Maxamed Bula ayaa lagu helay dambi ah inay aflagaadeeyeen Cabdullahi Ganduje, gudoomiyaha gobolka waqooyi ee Kano.

Qareenka labadan qof ayaa sheegay in aysan ka hadli doonin xukunka ku dhacay raggan.

Dalka Nigeria waxaa ku soo badanaya dadka isticmaala baraha bulshada kuwaas oo waxyaabaha ay soo dhigaan uga faallooda arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Mubarak Ciise Maxamed iyo Maxamed Bula ayaa la xiray todobaadkii hore ka dib markii ay soo bandhigeen muuqaalkooda – oo ay ku jeesjeesayaan guddoomiyaha gobolka oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq dhuleed iyo inuu ka seexday shaqadiisa, muuqaalladaas waxaa lagu baahiyay TikTok iyo Facebook.

Qareenka dacwad oogayaasha Wada Axmed Wada ayaa sheegay in ragaan ay aflagaadeeyeen gudoomiyaha gobolka, waxa uuna tilmaamay in falka ay sameeyeen uu yahay mid khalkhal galin kara amniga bulshada.

Raggan ayaa qirtay dambiga iyagoo codsaday in loo dabciyo xukunka, balse garsooraha ayaa amray in midkiiba lagu dhufto 20 jeedal, ayna bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10,000 naira oo ah lacagta Nigeria (£20) iyo in ay tirtiraan dhismaha maxkamadda muddo 30 maalmood ah. Waxaa sidoo kale lagu amray inay baraha bulshada ka raali galiyaan Mr Ganduje.

Qareenka u doodaya oo lagu macaabo Bashiir Yuusuf, ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka doodi doonin xukunka, maadaama uu yahay xukun aysan k ugali doonin xabsi.

Nigeria waxaa si xawli ah u kordhay isticmaalayaasha TikTok sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhalinyarada.

Isticmaalayaashan ayaa mararka qaarkood ku xadgudba shakhsiyaad ka mid ah dadweynaha, oo ay ku jiraan saraakiisha dawladda, iyaga oo googooya sawirro ama muuqaallo, inta badan si ay u abuuraan majaajillo ay ku soo jiitaan taageerayaal badan.

Gobolka Kano oo ah gobol ay Muslimiintu ku badanyihiin oo ku yaalla waqooyiga Nigeria, ayaa ka mid ah ilaa toban gobol oo ku dhaqma nidaamka shareecada Islaamka oo lagu labay sharciyada kale ee dalka. Dadka Muslimiinta ah oo kaliya ayaa lagu maxkamadayn karaa maxkamadaha shareecada islaamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post