267 Views

Maxamed Cali Xasan (Nasrudiin oo Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Bamboyinka oo xukun adag lagu riday

Maxamed Cali Xasan (Nasrudiin oo Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Bamboyinka oo xukun adag lagu riday
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 24, 2022

Maxkamad ku taalla magaalada Baydhabo ayaa xukun 15 sano oo xabsi ciidan ah ku riday xubin ka tirsana Al-Shabaab

Maxamed Cali Xasan (Nasrudiin) ayaa Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kaga biiray kooxda Al-shabaab sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamada,

\ Waxaa lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab qaraxyada kala shaqayn jiray, si gaar ahna tuurida bambo gacmeedyo lagu weeraray xaafadaha Magaalada Baydhabo qaarkood.

“Xaafada Bunbashar ayay 27/10/2022 ee sanadkan ciidanka nabad sugidu iyo Sirdoonka konfur galbeed ka soo Qabteen isagoo bam ku tuuray goob ay ciidanka amaanku joogeen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maxkamada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post