1335 Views

Xafiiska bixinta Baasaboorka Gobolka mudug ee Degmada Hobyo oo dib loo howlgeliyay

Xafiiska bixinta Baasaboorka Gobolka mudug ee Degmada Hobyo oo dib loo howlgeliyay
____________________________________________________________________________

khamiis: December 16, 2021

Agaasimaha Laanta 4aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegaannada Galmudug Mudane Maxamed Cabdullaahi Aadan ayaa maanta dib u howlgeliyay Xafiiska Bixinta Baasaboorka ee Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Shacabka Degmada Hobyo iyo Mas’uuliyiinta Degmada ayaa soo dhaweeyay in dib loo furo Xafiiska bixinta Baasaboorka ee Degmada, iyagoo xusay in baahi weyn loo qabay dib u howlgelinta Xafiiskaan. Maamulka Degmada Hobyo, Taliskaa Booliska ee degmada, Odayaasha dhaqanka iyo Maareeyaha dekadda Hobyo ayaa goobjoog ka ahaa dib u howlgelinta Xafiiska baasaboorka ee degmada.

Laanta 4aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dayactir iyo qalabeyn ku sameysay Xafiiska baasaboorka ee Degmada Hobyo, iyadoo ka jawaabeyso baahiyaha shacabka ku sugan Degmada Hobyo iyo deegaannada kale ee ka agdhow degmada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post