807 Views

Banaanbax Roob doon ah oo Maanta laga sameeyay Kismaayo

Banaanbax Roob doon ah oo Maanta laga sameeyay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Boqolaal qof oo kamid ah Shacabka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada iyo Goobo gaar ah, iyaga oo halkaasi ka dhigay banaanbax roob doon ah iyo Alle bari.
Isu soo baxaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda, Awqafta iyo Arimaha diinta Jubbaland ayaa dadkii isu soo baxay waxa ay sameeyeen Alle barri iyagoona halkaasi ku tukaday Salaad ay Alle ku weydiisanayeen in abaarta ka dulqaado bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa sheegay in dhamaan dadkii halkaasi isugu soo baxay ay Alle ka baryeen in uu abaarta ka dul qaado, isla markaana ay ka wada qeyb galeen Shacabka qeybahooda kala duwan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in isu soo baxoodii uu si wanaagsan ugu dhamaaday, wuxuuna u mahad celiyay dadka soo qaban qaabiyay in dhamaan dadkii ka qeyb galay.

Banaambaxa roob doonka ah ee Maanta laga sameeyay Magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli abaar ba’an oo saameysay dad iyo duunyaba ay ka jirto deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post