3246 Views

Gaas oo xarigga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Puntland

Gaas oo xarigga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11, 2018 –  Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu xarigga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha maamulka dagmada Garoowe, qaar ka mida golaha xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5-KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona  ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga taasi oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo ka mid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka la fiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xarig jarkii waddada Waasaaraddaha ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ah oo faa’iidooyin badan wadanka ku soo kordhindoonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Cali Gaas ayaa sheegay waddadan in ay ku timaaday isku tashigii Puntland, wax badana lagu qabtay isku tashiga uuna rajeenayo in wax badan oo danbe lagu qaban doono, islamarkaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka la tuso inay wax qabsan karaan, iyaga oo aan cid kale wax ka sugin.

wadada-wasaradaha-plnad-4 wadada-wasaradaha-plnad-2 wadada-wasaradaha-plnad-3 wadada-wasaradaha-plnad-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment