903 Views

Xukuumadda Afghanistan oo dalka badankiisa bandoo ku soo rogtay

Xukuumadda Afghanistan oo dalka badankiisa bandoo ku soo rogtay
____________________________________________________________________________

Sabti: july 24 2021

Xukuumadda Afghanistan ayaa bandoo habeenkii ah ku soo rogtay qaybo dalkaas ka mid ah oo ay ku doonayso in lagaga hortago in Taliban-ku soo galaan magaalooyinka.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in aan cidna loo oglaan doonin in ay socdaan 10:00 -04:00 habeenimo soddon degmo oo dalkaa ku yaal.

Degmooyinka Kabul, Panjshir iyo Nangarhar ayaa laga reebay meelaha bandooda lagu soo rogay.

Taliban ayaa bilihii ugu dambeeyey dhul badan qabsaday waxaanay haatan magaalooyinka waaweyni halis u yihiin weerarro ay ku qaadaan.

Ciidamada dawladda ayaa isku dayayey in ay dib falaagada uga qabadaan degmooyinka qaarkood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post