1173 Views

Mareykanka Oo Qirtay Inay Dad Rayid Ah Ku Dileen Duqeyn Somalia Ka Dhacday Sanadkii Hore

Mareykanka Oo Qirtay Inay Dad Rayid Ah Ku Dileen Duqeyn Somalia Ka Dhacday Sanadkii Hore
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Milliteriga Maraykanka waxay markii ugu horeysay qirteen inay duqeymaha ka socda Somalia ay ku dileen dad rayid ah, kadib, sannado ay beenin jireen.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM waxay shalay subax soo saareen Hadal-qoraal oo ay ku sheegeen inay si lama filaan ahayd ugu dileen haweeney iyo ilmo yar duqeyn bishii April 1-dii ee sannadkii hore ka dhacay Nawaaxiga magaalladda Ceel-buur ee Bartamaha Somalia.

AFRICOM waxay sheegtay inaysan xilligaasi shaacinin in labada qof oo rayid ahaa lagu dilay duqeyntaasi, balse waxay sheegeen inay dadkaasi rayidka ah la socdeen gaari ay 4 Dagaalamayaal Alshabaab ah la socdeen, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Laakiin, Qirashadaasi ayaa timid hal bil kadib, markii uu Hoggaaminta AFRICOM ka hor sheegeen Golaha Kongareeska Maraykanka inaysan dad rayid waxyeello ka soo gaarin duqeymaha ay ka wadaan Somalia

Hadalka Taliska AFRICOM waxa kale oo uu ku soo beegmay, iyadoo Warbixin ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International soo saartay bishii la soo dhaafay ee March 20-da ku sheegtay in ugu yaraan 14 qof o orayid ah lagu dilay Duqeymaha Maraykanka ka fuliyeen Somalia.

Laakiinse, AFRICOM wey beeniyeen Warbixintaasi, iysago osheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan eedeynta Warbixinta Amnesty International.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hawlgalladda Milliteri ee AFRICOM,  Jeneral Gregg Olson oo ay Suxufiyiinta la xiriireen 90 daqiiqo kadib Hadal-qoraalka ee AFRICOM ka soo baxay waxa uu tilmaamay inuu Taliskiisa weli ku guda-jiro Dib-u-eegista khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray duqeymahaasi, isla markaana haddii ay helaan faahfaahino dheeraad ah ay si daah-furnaan leh u shaacin doonaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sheegashadda AFRICOM ee ay 2 qof o orayid ah ku dileen duqeyntii bishii April koowdeedii ee sannadkii hore ka dhacay Ceel-buur uusan ku jirin Warbixintii ay Amnesty International ku soo bandhigtay tirada dadkii rayidka ee lagu dilay duqeymaha Maraykanka ee dhacay sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, AFRICOM waxay shaaciyeen inay 28 Duqeyn Diyaaradeed ka fuliyeen Somalia saddexdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2019-ka, halka wadarta guud ee duqeymahii ay fuliyeen ilaa sannadkii 2017-kii gaarayso  110 Duqeyn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment