1911 Views

Wadfi ka socda Dawladda Qatar Oo Qiimayn Ku Sameynaya Dekadaha Soomaaliya Ayaa la Kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre

Wadfi ka socda Dawladda Qatar Oo Qiimayn Ku Sameynaya Dekadaha Soomaaliya Ayaa la Kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 03, 2018 – Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa sheegay in ujeedka wafdiga ay aheyd in daraasad iyo kormeer ay ku
sameeyaan dekada Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo.

Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo leeskula soo af-gartay in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya .

Wafdiga ka socda dawladda Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxa ay booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada dalka si ay u tagaan dekadaha ay qiimeynta ku sameynayaan.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment