1569 Views

Laba Milyan Oo Doollar Oo loo Diyaariyay Fulinta Qorshayaasha Ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan

Laba Milyan Oo Doollar Oo loo Diyaariyay Fulinta Qorshayaasha Ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 11, 2018 —
Shir ay golaha wasiirada XFS ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa looga dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in gacanta lagu hayo laba milyan oo dollar oo ay bixiyeen mawaadiniin Soomaaliyeed, laguna billaabayo dhismaha Madxafka oo todobaadka soo socda dhismihiisa uu dhagax dhigayo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) .

Dawladda Soomaaliya oo dardar-gelinaysa soo kabashada dawladnimada, adkaynta midnimada iyo kou u qaadidda karaamada ummadda Soomaaliyeed ayaa Barnaamijka Is-xilqaan ugu tala gashay in lagu dhiso dhammaan xarumaha danta guud iyada oo la adeegsanayo hantida, waqtiga iyo quwadda ummadda Soomaaliyeed.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment