960 Views

Xeerarka Doorashooyinka, Matalaada G/Banaadir iyo Hanaanka doorashada G/Waqooyi

Xeerarka Doorashooyinka, Matalaada G/Banaadir iyo Hanaanka doorashada G/Waqooyi
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Guddiga Diyaarinta Xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Qaran ayaa maanta Golaha Shacabka u qeybiyay afarta xeer ee Doorashada ee loo saaray inay soo diyaariyaan.
Guddoomiyaha Guddigan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa ka hor-aqriyay Xildhibaannada Afarta Xeer, isagoo xeer walba is-dultaagay shaqooyinka ay ka soo qabteen wadatashiyadii ay geliyeen.
Afartan Xeer oo kala ah Xaqiijinta Qoondada Haweenka, Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta BFS iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.
Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ayaa Guddiga isku raacay in 7 kursi la siiyo, iyadoo wax laga bedelayo qodobka 72aad ee Dastuurka, maadaama 7-da kursi ay tahay kuraas dheeri.
Guddiga ayaa isugu raacay hannaan KMG oo lagu sugayo in kuraasta ay kuraasta Haweenka oo ku eg 2020/2021, isla markaana Haween kaliya ay ku tartmayaan kuraasta haatan ku fadhiyaan, si loo xaqiijiyo qoondada Haweenka.
Halkaan ka aqri.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post