408 Views

Kororka dadka adduunka oo hoos u dhacay, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay

Kororka dadka adduunka oo  hoos u dhacay, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Kororka dadka adduunka ayaa hoos u dhacay, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay xuska maalinta tirada dadka aduunka, heerka da’da ayaa kordhay, heerka bacrimintana si cad ayay hoos ugu dhacday.

Celceliska rajada nolosha sanadka 2050 waa 77 sano.

Tirada dadka adduunka waxay sii wadi doontaa inay korodho, laakiin si tartiib tartiib ah ayey u kordheysaa marka loo eego kororka uu sameeyey meerahu kontomeeyadii qarnigii la soo dhaafay, waxaana dadka dhulku ay gaari doonaan 8 bilyan oo qof dhamaadka sanadkan, iyagoo xoogga la saaray 8 waddan oo kala ah Masar, Itoobiya iyo Pakistan.

Kobaca ayaa si aad ah hoos ugu dhici doona tiro wadamo ah oo dakhligoodu sarreeyo, sida hadda ka socota Japan.

Tahriibku waxa uu noqon karaa waxa badbaadiya dalalkan oo ilaalin doona heerka kobaca ee deggan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post