345 Views

Gudoomiye Madaale oo arrimo Xasaasi ah kala hadlay Paul Simkin iyo xubno la socday

Gudoomiye Madaale oo arrimo Xasaasi ah kala hadlay Paul Simkin iyo xubno la socday
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 29, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay madaxa barnaamijka horumarinta dowladaha hoose ee UN-JPLG Mr. Paul Simkin.

Kulankaan ayaa loogu wada hadlay xoojinta barnaamijyada la xariira taageerada uu UN-JPLG siiyo dowlada hoose ee Muqdisho dhinacyada casriyeenta maaliyadda iyo kordhinta dakhliyada, daadajinta adeegayada bulshada, maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana warbixin dheer ka siiyay Mr. Paul Simkin waxyaabaha u qorsheesan maamulkiisa iyo sidoo kale taageerada ay ka doonayaan barnaamijka horumarinta dowladaha hoose ee UN-ka.

Duqa Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo hay’adaha kala duwan ee ka howlgala dalka gaar ahaan kuwa taageera maamulka gobolka Banaadir, kuwaa uu kala hadlayay arrimo la xariira horumarinta caasimadda iyo hirgalinta mashaariic .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post