2814 Views

Hay’ada HRW oo dalbatay in caddaaladda la horgeeyo Abuu Mansuur

Hay’ada HRW oo dalbatay in caddaaladda la horgeeyo Abuu Mansuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Augusto 16, 2017 – Hay’adda Xuquuqda Aadana ee HRW ayaa war kooban oo ay soo saartay ku dalbatay in sharciga la horgeeyo Abuu Mansuur iyo Ragga la midka ah ee ka soo baxaya Al-shabaab.

HRW waxaa ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in aysan cafiska ABuu Mansuur kula deg degin,sidoo kalena ay baaritaan dheeraad ah ku sameyso.

Waxaa ay sheegtay in Abuu masnuur uu ahaa Ninka 2aad ee ugu sarreysa Al-shabaab,sidaas darteedna dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay baaritaan ku sameyso xilligii uu xilka ka hayay Al-shabaab gabood falladii dhacay.

HRW waxaaa y Abuu mansuur ku eedeeysay in ay diwaangelisay xilligii uu ahaa guddoomiye ku xigeenka Al-shabaab, weeraridda dad rayid ah,Barakicin,Qoroashada Carruur aan gaarin askareyn iyo dambiyo kale.

Waxaa kale oo ay soo jeedisay in la xaqiijiyo baaritaannada ka dhabka ah Abuu Mansuur marka la soo xaqiijiya dambiyadaas ee ay iyagu diiwaan geliyeenna ay tahay in Sharciga la horgeeyo.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment