381 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado in uu gaaro saacadaha soo socda dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo  lagu wado in uu gaaro saacadaha soo socda  dalka Masar
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu safarkii 7aad ee dalka dibaddiisa ah tan iyo markii la doortay ku gaaro dalka Masar.

Madaxweynaha oo martikaad ka helay dowladda Masar markii la doortay ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha dalka Masar Cabdul Fitaax Siisii iyo mas’uuliyiinta kale dalkaas, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar.

Dowladda Masar oo kamid ah dalalka Carbeed ayaa xiriirkooda xumaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo sanadihii ugu dambeeyay aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.

Sidoo kale dowladda Masar ayaa xilligaan wuxuu khilaaf xoogan oo la xiriira Wabiga Nile uu kala dhaxeeya dowladda Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, isla markaana Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka dallada Bariga Afrika ee (EAC) , isaga oo gudbiyay codsi la xiriira in Soomaaliya ay kamid noqoto dalalka ku bahoobay Ururka EAC.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post