528 Views

Wafdi ka socda QM oo gaaray Magaalada Cadaado

Wafdi ka socda QM oo gaaray Magaalada Cadaado
____________________________________________________________________________

Wafdi ka socda Hay’adaha UN-ka ee Aaramada Midoo ay ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaan Garoonka diyaaradaha Cadaado ku soodhaweeyay Maamulka Degmada Cadaado.
Xubnaha ka socday Hay’adaha UN-ka ayaa Booqday kaamamka barakacyaasha suuqyada magaalada iyo isbitaalka guud ee magaalada Cadaado, ayaga oo ugu dambeyn kulan la qaatay maamulka degmada Cadaado, waxaana ay ka dhageysteen warbixin la xariirta abaaraha ka jira deegaanka iyo xaalada barakacyaasha ka soo qaxay abaaraha iyo Dagaalada.

Saraakiisha ka socday UN-ka ayaa sheegay in sida ay u kala mudan yihiin baahiyaha deegaanka ka jiray ay uga jawaabi doonaan, waxaana Magaada Cadaado ay kamid tahay Goobaha ay gaareen dadka ka barakacay Abaarta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post