1620 Views

Sawirro:-Dad Ku Geeriyooday Dhismo Dabaqyo Ah Oo Ku Yaalla Bangladesh

Sawirro:-Dad Ku Geeriyooday Dhismo Dabaqyo Ah Oo Ku Yaalla Bangladesh
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  29, 2019 –Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday dab ka kacay Dhismo Gnaacsi oo ka kooban 19 Dabaq oo  ku yaalla caasimadda dalka Bangaladesh ee Dhaka.

Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen inuu dabka ka kacay gudaha Dhismo dabaqyo oo lagu magacaabo FR Tawar ee Deegaanka Banani ee magaalladaasi.

Afhayeenak Isbitaalka United Hospital, Sazaduur Rxamaan Shufo oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay 3 qof geeriyootay, kadib, markii ay iska soo tuureen dabaqyadda ugu sarreeya ee dhismahaasi, halka labo kalena ay u geeriyoodeen waxyeelladda dabka.

Dhinaca kale, Dad badan ayaa la rumeysan yahay inay weli ku go’doonsan yihiin Dhismahaasi oo ka mid ah kuwa ugu dhaadheer dalka Bangaladesh.

Dabkan ka kacay Dhismaha FR Tawer ayaa yimid, isbuucyo kadib, markii ay ugu yaraan 21 qof ku geeriyootay dab ka kacay bishii hore ee Feberaayo 21-dii Dhismo Bakhaar oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment