1251 Views

Bangiga dhexe amray Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay isticmaalka lacagta 50-ka Dollerka

Bangiga dhexe amray Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay isticmaalka lacagta 50-ka Dollerka
____________________________________________________________________________


4- Marso, 2021

Xili maamulka Somaliland uu cabasho xoogan ka soo saaray Bishii hore isticmaalka lacagta 50- dolar oo ay sheegeen in ay tahay mid been abuur ah, ayaa arintaas waxay soo gaartay Muqdisho oo inta badan aan laga isticmaalin, waxaana arintaas Digniin ka soo saaray Maamulka bangiga dhexe ee Somaliya.

 war qoraal soo saaray ayaa digniin culus u diray Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla dalka, wuxuuna faray inay socod-siiyaan isticmaalka lacagta 50-ka Dollerka Mareykanka.

Bangiga Dhexe ayaa shaaca ka qaaday inuu sameeyey baaritaan dheer, islamarkaana ay ku godaadeen in aysan jirin lacag been abuur ah oo dalka lasoo geliyey.

Sidoo kale bangiga ayaa ku amray ganacsatada Soomaaliyeed inay qaataan lacagta 50-ka Doller oo beryihii dambe laga diidayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post