5715 Views

Ma Fashilmin Shirka Jowhar

Ma Fashilmin Shirka Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 7, 2016: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya,  ayaa beeniyay in uu fashilmay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Odawaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaan ay soo gabagabeyn doonto ka hor inta aysan dhicin doorashada Soomaaliya 2016.

Wasiir Odawaa, ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay kulan siin doonto siyaasiinta iyo waxgaradka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , si ay uga wada hadlaan dhismaha maamulka labada gobol, waa hadii ay u suurta gasho.

Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ayaa isku afgartey in deg deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo bilihi dambeeyay jiitamaayay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment