1428 Views

Weerar lagu qaaday Qunsuliyadda Shiinaha ee Karachi

Weerar lagu qaaday Qunsuliyadda Shiinaha ee Karachi
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | November 23, 2018–Ugu yaraan laba askari oo bilays ah ayaa lagu dilay weerar Koox hubaysan  ay ku qaadeen qunsuliyadda Shiinaha ee magaalada Karachi ee dalka Pakistaan.

Ilaaladda Qunsuliyadda ayaa toogasho ku dilay 3 nin oo hubeysan oo weerar ku qaaday Qunsuliyadda ka hor inta aysan gudaha u galin xarunta Qunsuliyada.

“Waxaa jiray seddex qof oo weerarka soo qaaday, sedexdna waa la dilay ,Waxay isku dayeen inay galaan qaybta fiisaha, Qunsuliyadda  “ayuu yiri taliyaha Booliska Amir Shaikh.

Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray labo ruux oo kale oo ku sugnaa Qunsuliyadda weerarka lagu soo qaaday.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Pakistan ayaa sheegtay in dhammaan 21 shaqaale shiinees ah oo ku sugnaa qunsuliyada ay nabad qabaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment