1095 Views

isbitaal ku yaal dalka Singapore oo laga saaray ilmo la rumaysan yahay

isbitaal ku yaal dalka Singapore oo laga saaray ilmo la rumaysan yahay
____________________________________________________________________________


isniin: August 9, 2021

 Waxa qaybta daryeelka culus ee isbitaal ku yaal dalka Singapore laga saaray ilmo la rumaysan yahay inuu yahay kii ugu miisaanka yaraa dunida ee dhasha oo ku jiray muddo 13 bilood ah.

Kwek Yu Xuan markii ay dhalatay waxa miisaankeedu ahaa 212 g oo u dhiganta miisaanka xabbad tufaaxa dhererkeeduna wuxuu haa 24 cm.

Intii ay isbitaalka ku jirtay Yu Xuan waxa la siinayey dawooyin badan oo kala duwan waxaanay nolosheedu ku tiirsanayd mishiino kala nooc ah.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in caafimaadkeeda iyo korriinkeeduba si fiican u hano qaadeen intii ay gacantooda ku jirtay haatanna ay fiican tahay oo dhakhtarka laga saarayo.

Yu Xuan waalidkeed waxa qaadhaan lagaga bixiyey lacagta isbitaalka oo dhan 336,884 doolar.

BBC

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post