3627 Views

Burcad Badeed Dhameysatay Xukun oo Lagu Celiyay Soomaaliya

Burcad Badeed Dhameysatay Xukun oo Lagu Celiyay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho,4 March 2016: Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalkani Kenya iyo Qunsulka Safaarada Cali Maxamed Shiikh Cali Begadi ayaa deeq dhar ah gudoonsiiyay 7muwaadin oo soomaali ah,kuwaasi oo magaalada Mombasa ku so dhameystay xabsi 7-sano ah,ka dib markii lagu eedeeyay falal burcad baeednimo ah.

Todobada Muwaadin oo soo dhameystay xukunka maxkamadeed ayaa sheegay in ay yihiin kaluumeysato oo aysan galin danbiga burcad badeednimada ah ee lagu eedeeyay,waxaana maanta dib loogu celiyo dalkooda hooyo ee soomaaliya.

Dib u celinta muwaadiniintan soomaaliyeed ayaa waxaa iska kaashanayay safaarada Soomaaliya,xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan danbiyada iyo muqaadaraadka ee UNODC iyo waaxda Socdaalka ee dalkani Kenya.

Qaar ka mid ah muwaadiniintan soomaaliyeed ee soo dhameystay xukunka maxkamadeed ee todobada sano ah ayaa ka sheekeynaya dhibaatoyiinkii ay la soo kulmeen mudadii ay xabsiga ku jireen,iyagoona u mahad celiyay mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya.

Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Mxamed Xasan ayaa la dar daarmay muwaadiniitan soo dhameystay xukunka maxkamadeed,waxana uu sheegay ina y dadaal ugu soo deynta muwaadiniin kale oo iyaguna ku eedeysan falal burcad badeednimo,kuwaasi oo ku xiran xabsi ku yaalo magaalada Mombasa.

Bishii sagaalaad ee sanadkii hore ayey ahayd markii ay mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee Dalkani Kenya ay magaalada Mombasa ku booqdeen maxaabiista Soomaaliyeed oo ku eedeysan falalka burcad badeednimada ah.

2348

 

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment