141 Views

200 qof oo macluul ugu dhimatay Ethiopia

200 qof oo macluul ugu dhimatay Ethiopia
____________________________________________________________________________

Addis Ababa — Ilaa 225 qof – oo ay ku jiraan carruur – ayaa macaluul ugu dhintay gobolka Tigray ee ay abaaraha iyo colaadaha saameeyeen lixdii bil ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Ku dhowaad dhimashada ilaa- 209 qof ayaa laga diiwaan geliyay miyiga Edga Arbi, sida TV maxalli ah uu ka soo xigtay saraakiisha caafimaadka .

Deegaan kale, 16 qof, oo ku barakacay dagaalkii sokeeye ee sida arxan darrada ah halkaas uga socday muddo laba sanno ah, ayaa lagu soo waramayaa inay gaajo u dhinteen.

Saraakiisha Tigreega ayaa horay uga digay inay dhacdo ama qarka loo saran yahay macaluul la mid ah tii Itoobiya ku habsatey bartamihii 80-meeyadii, xilligaas oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo carruur iyo dad waaweyn intaba.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 20 milyan oo qof ayaa u baahan cunto gargaar ah gudaha Itoobiya sababo la xiriira colaadaha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Ethiopia ayaa u muuqata mid iska indha tiraysa wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi baaxadda leh ee dhanka dakhiliga ah, waxaana dhowaan ay si ka baxsan xeerarka caalamiga ah u faragelisay madax bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, tallaabadaas oo ay aad uga dhiidhiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intaba.

.

XIGASHO BBC-SONNA

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post