1167 Views

Booliska Muqdisho oo soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu dil geystey

Booliska Muqdisho oo soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu dil geystey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 30, 2019—Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaanka demi baarista CID ayaa ku guuleystay in ay Gacanta ku soo dhigaan ,Bishaar Abdirisaaq Maxamed, kaas oo ku eedeeysan dilka marxuumad, Suleeqo Yuusuf Axmed, sida ay sheegtay taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye guuto ; Zakiya Xuseen Axmed.

Dhinaca kale, Duqa, Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (yariisoow),oo ka hadlayay Xalay shirka amniga ee Caasimadda ayaa sheegay in ay kulankooda ugu hadleen dardar gelinta kormeerka, howlgallada iyo Isla-xisaabtan ka.

Wuxuuna sidoo kale caddeeyay Guddoomiyuhu in eedeysane, Bishaar C/risaaq Maxamed , ay soo qabteen Ciidamada, iyadoo loo heysto Gabar dhowaan lagu dilay Hotel Caamir oo ku yaalla Baar Ubax.

Guddoomiye C/raxmaan Yariisoow , ayaa sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka Gacan siiyeen Shacabka, soona gudbiyeen xogta ku saabsan Gurigii uu ku dhuumanayey.
Eedeysane, Bishaar Cabdi risaaq Maxamed, ayaa loo haystaa dilka, Suleeqo Yusuf Axmed, oo dhowr Cisho ka hor ka dhacay Hoteel Caamir, oo ku yaalla Degmada Howlwadaag Gobolkan Banaadir.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment