417 Views

Q.M “Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya waxaa ay weli wajahayaan halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh.

Q.M “Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya waxaa ay weli wajahayaan halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh.
____________________________________________________________________________

Talaado: May 3, 2022

Iyadoo ay maanta ku beegan tahay 3-da bisha May waxaa xiligaan oo kale la maamusaa Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, balse qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya oo la og yahay in marxalad adag ay ku shaqeeyaan hawl-wadeennada warbaahinta dalka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in qaramada Midoobay ay xoojineyso dowrka fir-fircoon ee  hawl-wadeennada warbaahinta dalka ka cayaaraan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, iyadoo xustay in loo baahanyahay in la xaqiijiyo awooddooda si ay shaqadooda ugu gutaan si ammaan ah oo xornimo ku dheehantahay.

“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay qayb muhiim ah ka tahay koboca dimuqraadiyadda waxayn u baahan tahay in ay awood u yeelato inay u shaqayso si xor ah oo aan lahayn hanjabaad, cagajugleyn iyo waxyeello, si ay u gudato hawsheeda muhiimka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ay weli wajahayaan halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore.

“Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay. Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xiray iyagoo ku guda jira shaqadooda.” Ayaa lagu yiri qoraalka qaramada Midoobay.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka sannadkii 1993-kii,  iyadoo 3-da Maajo loo asteeyay xuska sannad-guurada Baaqii Windhoek, kaas oo ahaa bayaan taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xorriyadda raadinta, gudbinta iyo helidda xogta iyo danta guud.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post