681 Views

Lafta gareen “Majiro maamul haysta 77 xildhibaan, yaan laydin kala qaybin shaqo badan ayaa inoo taala

Lafta gareen “Majiro maamul haysta 77 xildhibaan, yaan laydin kala qaybin shaqo badan ayaa inoo taala
____________________________________________________________________________

Isniin: March 21, 2022

Madaxweynaha Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed( lafta gareen) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu digniin u diray xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ee laga doortay deegaanada maamulkaasi.

Lafta gareen ayaa xildhibaanada ugu digay in la kala dhantaalo, islamarkaana waxaa uu sheegay in taasi ay dhibaato ku tahay midnimadooda.

“Majiro maamul haysta 77 xildhibaan, yaan laydin kala qaybin shaqo badan ayaa inoo taala”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca fara badan ee ku yimid doorashada Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

Sidoo kale Lafta gareen ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda uu kulan la qaadan doono xildhibaanada Baarlamaanka ee la doortay deegaanada Koofur Galbeed, islamarkaana uu kula dardaarmi doono arrimaha doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post