963 Views

AMISOM oo taageertay doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb

AMISOM oo taageertay doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliye AMISOM ayaa waxaa ay hambalyo u direen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Cusub ee shalay lagu doortey Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

 

War-Saxaafadeed kasoo baxey AMISOM ayaa loogu hambalyeey Madaxdaas,iyada oo loogu baaqay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye in uu wajaho wada-hadal iyo dib u heshiisiin si xal waara loo gaaro.

 

“AMISOM waxay u hambalyeynaysaa hoggaamiyeyaasha cusub ee loo doortay Galmudug waxayna ku boorrisay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye inuu sii wado dadaallada dib-u-heshiisiinta ayaa lagu yiri”Qoraalka AMISOM.

 

Sidoo kale AMISOM waxaa ay sheegtay inay si dhow ula socotay howlaha ka socdey Galmudug,hayeeshee ay weli wax badan ka dhiman yihiin Dhismaha maamulka Galmudug mar walbana ay muhiim tahay wada-hadal iyo in Madaxda Cusub ay isku keenaan dhinacyada Mamulka Galmudug.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliye AMISOM.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment