825 Views

Qaramada Midoobey oo ka digtay in dunida ay wajahdo Musiibo

Qaramada Midoobey oo ka digtay in dunida ay wajahdo Musiibo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-04-2020-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay in dunidu wajaheyso “musiibo jiil” sababtuna tahay iskuullada oo la xiray xilli uu ku faafayay cudurka faafa ee coronavirus.

Guterres wuxuu sheegay in ilaa bartamihii bishii Luulyo ay xirnaayeen qaar ka mid ah 160 waddan iskuullada, oo ay saameyn ku yeesheen in ka badan 1 bilyan oo arday, halka ugu yaraan 40 milyan oo carruur ah ay seegeen dugsiyadda xannaanada.

“Hadda waxaan wajaheynaa masiibo jiil taas oo baabi’in karta awoodda aadanaha , oo wiiqi kara tobannaan sano oo horumar ah, kana sii dari kara sinnaan la’aanta,” ayuu yiri Guterres “.

Waxaa uu intaasi kusii daray ” Tani waxay ku timid in ka badan 250 milyan oo caruur ah oo horayba uga maqnaa dugsiga kahor masiibada iyo kaliya rubuc ardayda dugsiga sare ee wadamada soo koraya iyagoo ka tagaya xirfado aasaasi ah”

In kabadan 18.28 milyan oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa laga helay cudurka Coronavirus-ka ilaa Talaadada, in kabadan 280,000 maalin gudaheed. Inka badan 10.9 milyan ayaa soo kabsaday, in kabadan 693,000 ayaa dhintey.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post