48 Views

Wasiirka Maaliyadda oo Kulan La Qaaday Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda oo Kulan La Qaaday Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ahaa mid miro-dhal ayaa looga wada hadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo guushii Dowladda ee hannaanka deyn cafinta oo muddo dheer kadib soo gaba-gaboobay.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo soo saaray qoraal kooban bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in ay isla meel dhigeen Wakiilka UN-ka ahmiyadda ay leedahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo kobcinta dakhliga gudaha ee Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka UN-ka ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa dhankeeda sheegtay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diyaar u yahay xoojinta wadashaqeynta iyo taageeridda qorshayaasha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post