528 Views

RW Rooble oo Imaaraadka kala hadlay u gurmashada dadka ay saameeysay Abaarta

RW Rooble oo Imaaraadka kala hadlay u gurmashada dadka ay saameeysay Abaarta
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan waddanka Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi waxaa uu ka wadaa kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Madaxda dalkaas, kuwaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay mas’uuliyiin ka socday hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas, isaga oo kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Saraakiisha Hay’adaha uu la kulmay ayaa dhankooda waxaa ay sjeegeen i ay diyaar u yihiin i ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan Bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo kaashana dowladooda Imaaraadka Carabta.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmaha uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta wuxuu wadaa kulamo kala duwan, wuxuuna xalay la kulmay djaxalsugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay kamid yihiin Wasiirada waxbarashada iyo Amniga ayaa waxaa ay sii wadi doonaan kulamada kala duwan oo ay la qaadanayaan Madaxda Imaaraadka Carabta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post