624 Views

Dowladda Kenya oo bilowday qorshe ay xal ugu raadineyso dhibaatooyinka la soo dersay ganacsatada jaadka

Dowladda Kenya oo  bilowday qorshe ay xal ugu raadineyso dhibaatooyinka la soo dersay ganacsatada jaadka
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay xal ugu raadineyso dhibaatooyinka lasoo dersay ganacsatada jaadka ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fried Matiangi ayaa sheegay in dowladda ay la shaqeyneyso maamulka Meru oo ah goobta uu ka baxo jaadk si loo xalliyo caqabadaha lasoo dersay suuq geynta jaadka Kenya.

Sidoo kale guddiga dowladda ay u xil saartay arrintani ayaa eegi doonaa cilmi baarista dhanka seyniska eee lagu sameynayo saameynta jaadka uu ku yeelan karo caafimaadka, bulshada iyo dhaqaalaha.

Office Nairobi Kenyya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post