1410 Views

Labo Gabadh oo Soomaali ah oo laga doortay Addis Ababa

Labo Gabadh oo Soomaali ah  oo laga doortay Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Axad: July: 11, 2021

Waxaa markii ugu horeesay taariikhda oo ay Soomaali ka soo baxdo golayaasha magaalada Addis Ababa.

Kuraasta golaha deegaanka ee magaalada Adhisababa oo dhan 138 kursi, kuwaas oo uu dhammaantood xisbiga PP ku guuleestay ayaa waxaa ka mid noqatay labo gabdhood oo Soomaali ah.

Farxiya Maxamed cumar ahna wasiiru dowlaha dhaqanka ee dalka Itoobiya iyo Faa’isa Maxamed Cumar oo ah madaxa xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska ismaamulka Magaalada Addis Ababa ayaa ka mid noqonaya golaha cusub ee degaanka caasimadda dalkaas, Itoobbiya.

Magaalada Addis waxaa ku nool Soomaali tiro badan oo shaqo, waxbarasho iyo deegaan ba u ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post