210 Views

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Rag hubeysan ku qabtay howlgal ka dhacay degmada Yaaqshiid

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Rag hubeysan ku  qabtay howlgal ka dhacay degmada Yaaqshiid
____________________________________________________________________________

 

Arbaco: DECEMBER 21, 2022

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kordhiyay howlgallada haatan ka socdo magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay laba nin oo hubeysan, kuwaas oo dhac ka geysanayen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay labadaan nin oo ku hubeysnaa qoryaha AK74 waxayna mooto Bajaaj sidoo kale gacanta lagu dhigay.

War kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in xilliga lasoo qabanayey raggaan ay u dhac u geysaneyeen dadka shacabka ah, isla-markaana loo gudbin doono maxkamada.

Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka ee soo gudbiyay xogta raggan oo dhac baahsan ka waday xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Xalay ayey aheyd markii rag hubeysnaa oo qorsheynayey inay weeraro geystaan lagu qabtay degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday iyo howlgallada socdo looga hortagao falalka ammaan darrida ee mararka qaar ka dhacay gudaha caasimada.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo dagaallo looga furay gobollada ayaa culeys soo saartay Muqdisho, waxaana usii dheer burcad hubeysan iyo ciyaar weero ka dilaacday caasimada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post