927 Views

Dowladda oo Ciidamo horleh geysay Dhuusamareeb

Dowladda oo Ciidamo horleh geysay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ay gaartay diyaarad siday Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

 

Ciidamadaan ayaa sida aan wararka ku helnay waxaa ay gaarayaan ilaa 50 askari,kuwaas oo laga qaaday Magaalada Muqdisho,isla markaana lagu xoojinayo Amniga Magaalada dhuusamareeb oo maalmahaan xiisad ka taagneyd.

 

 

Warark ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in geynta Ciidamada horleh dowladda Soomaaliya ee Magaalada Dhuusamareeb Maanta halkaasi laga dareemay,waxana la sheegay in Ciidamada la geynayo Xarumaha Maamulka ee Dhuusamareeb.

 

Si kastaba Ciidamada horleh oo ay Maanta geysay Dowladda Soomaaliya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maalmahaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna,wallow Ciidamada Dowladda ay la wareegeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Ahlusunna.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment