1404 Views

Safiirka Dowladda Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Safiirka Dowladda Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo oo  dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Waxaa magaalada Muqdisho saakay gaaray Safiirka Dowladda Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayada oo fulineysa heshiiskee ay la gaartay dowladda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xiriirka labada dal.

Lucas Tumbo ayaa Muqdisho ka maqnaa in ka badan 6 bil kadib markii uu xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo horseeday inay safiirada kala qaataan.

Imaashaha safiirka Kenya ee Muqdisho ayaa imaneysa kadib markii labada dowladood ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii dibloomaasiyadeed, waxaana la filayaa in dhawaan dib loo furo safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Sidoo kale Kenya iyo Soomaaliya ayaa 16-ka Bishaan ku heshiiyey in si deg deg ah loo furo safaaradaha labada Dowladood kadib wada-hadal dhanka taleefoonka ah oo dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post