879 Views

Maxay tahay digniinta ku socoto Shacabka Caasimada oo uu ku dhawaaqay gudoomiye Filish?

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8da Maarso, 2021:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu faray bulshada Caasimadda in ay u dhega nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalin ee uu wado Maamulka Gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weysa awaamiirta ay soo saartay Wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

Duqa Caasimadda ayaa ku hanjabay in uu ka qaadi doono tilaabo cidii aan fulin amarada maamulka wixii ka dambeeya 15-ka bishaan.

Dadka ku sugan goobaha ganacsiga ayuu sheegay in looga baahan yahay in aysan waxba ka iibin cid aan wadan Afxirka si looga hortaggo cudurka Karoonaha.

” laga bilaabo 15 bishaan cid walba oo aan u hogaansamin talooyinka looga hortagayo Covid-19 ciqaab iyo ganaax ayuu muteysan doonaa”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post