744 Views

IMF oo ka digtay halista dhaqaalle ka dhalan karta Fayruska Omicron

IMF oo ka digtay halista dhaqaalle ka dhalan karta Fayruska Omicron
____________________________________________________________________________

Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka digtay faafitaanka nooca cusub ee fayraska corona ee Omicron, kaas oo ay sheegtay in ay uadkaan doonto ka soo kabashada dhaawaca dhaqaale ee uu adduunka u horseedi doona fayraskan.
Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in nooca cusub ee cudurku uu wiiqi doono koboca dhaqaalaha guud ahaan caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in feyruskan Khaqarta badan ee Omicron laga helay ku dhawaad ​​40 wadan.

Saynis yahanno ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in nooca cusub ee fayraska korona uu u muuqdo mi ku faafayo wax ka badan laba laab marka loo barbardhigo noocii hore ee loo yaqaanay Delta, Inkastoo la sheegay in baaritaankan aanan dib u eegis lagu sameyn.
Prof Tulio de Oliveira, oo ah agaasimaha xarunta ka falcelisa cudurrada safmarka ah ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in uu jiro isbeddel aan caadi ahayn oo aad uga duwan noocyada kale ee horey u soo maray dunida.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post