915 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u dhoofay dalka Qatar

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u dhoofay dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 04, 2021—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani,

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Roiblebayaa waxaa lagu sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ay tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa kamid ah dowlqdaha saaxiibada dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu socoto.


Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post