1068 Views

Maalmahan rakaabka ku sugan Istanbul waxay isha ku hayaan noole caan ka dhex noqday bulshadaas.

Maalmahan rakaabka ku sugan Istanbul waxay isha ku hayaan noole caan ka dhex noqday bulshadaas.
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Maalmahan rakaabka ku sugan Istanbul waxay isha ku hayaan noole caan ka dhex noqday bulshadaas.

Waa ey ku nool waddooyinka, oo lagu magacaabo Boji, kaas oo jecel inuu ku safro gaadiidka ee magaalada ugu weyn Turkiga.

Wuxuu raacaa basaska, tareenada dhulka hoostiisa mara iyo doomaha.

Qofna ma oga sida uu u bartay nidaamka ku safarka gaadiidka dadweynaha. Laakiin darawal kaxeeya mid ka mid ah basaska korontada ku shaqeeya ayaa sheegay in ay yaqaaniin Boji, sidoo kalena in asluubtiisa iyo akhlaaqdiisa marka uu fuulayo iyo ka degaya baabuurkiisa ay tahay inuu tusaale u noqdo dhammaan rakaabka aadanaha.

Boji waxa uu si joogto ah u kasbaday quluubta dadka deggan Istanbul, isaga oo sidoo kale dad badan ka dhigayay in ay la yaaban yihiin sida uu ula qabsaday caadada safarkan oo kale.

Aylin Erol, oo u shaqeysa Metro Istanbul, ayaa sheegay ka dib markii ay arkeen sawirada Eyga oo lagu faafiyay baraha bulshada, ay go’aansadeen inay ku xiraan microchip si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa saxda ah.

Iyaga oo yaaban, waxay ogaadeen in Boji uu soo maraa ugu yaraan 29 metro stations maalin kasta, wuxuuna gaari karaa masaafo dhan illaa 30km maalintii.

Magaalada Istanbul oo labadeeda goonyood ku kala taala xeebaha Yurub Aasiya,ayaa waxay leedahay nidaam gaadiidka doomaha oo aad u dhib badan, balse waa arrin u sahlan Boji in uu ku goosho.

Waxa uu jecel yahay safridda ?

Xitaa waxaa lagu arkay badda isagoo safar ku tagaya jasiiradaha Prince ee ku taala ee ku taala badda Marmara, taas oo duleedka ka ah xeebta Istanbul.

Caannimada sii kordheysa ee Boji waxaa ku lammaan Twitter magaciisa lagu sameeyay.

bogga @boji_ist waxaa ku xiran in ka badan 90,000 oo qof tan iyo markii ciwaankan la furey la Sebtembar.

“Wuxuu garanayaa meesha uu aadayo, wuu yaqaan meesha laga baxo,” ayay tiri Aylin Erol oo ah sarkaalad gaadiidka.

“Waxay la mid tahay inuu ujeedo leeyahay.”

Hadda waxa uu haystaa aalad uu wax kula socdo?

Boji ayaa la siiyay talaal si loo illaaliyo isaga iyo dadka kale ee ku xeeran.

Aalad kale oo birlab ah oo ku xiran app-ka mobaylka waxa uu u ogolaanayaa masuuliyiinta in ay la socdaan xaalkiisa caafimaad.

Shaqaalaha gaadiidku waxay hubiyaan inuu si fiican wax u cuno oo uu cabbo biyaha. Waxa kale oo si joogto ah baaris caafimaad ugu sameeya dhakhtarka xoolaha ee dawladda.

Qoraal iyo muuqaal lasoo dhigay ciwaanka magaca Boji lagu sameeyay ayaa muujinaya culeyskiisu yahay 42kg, isaga oo u eg in uu qiranayo in uu culeeskiisa kordhay.

Shaqaalaha gaadiidka ayaa u magac bixiyey ?

Marka loo eego xogta raadaarka lagu xirey, habka gaadiidka ee uu jecel yahay Boji waa taraamka kab loo yaqaano, waa nooca gaadiid ee ku shaqeeya korontada ee basaska dhaadheer ah

Boji waa ereyga Turkiga ee “bogie”, waa qalab qaab dhismeedkiisa la geliyo taayirooyinka baabuurta si gaadhiga loo siiyo xasillooni dheeraad ah inta lagu jiro safarka.

Sida muuqata, waa sida uu magaciisa ku helay, shaqaalaha gaadiidku waxay bilaabeen inay ugu yeedhaan Boji, ka dib markii si joogto ah loogu arkay meel ka sarraysa qaybta bogie ee baabuurta.

Waa ey caan baxay

Maadaama uu noqday weji la yaqaan, Boji hadda waxaa soo dhaweeya rakaab badan oo si tartiib ah u salaama, ama sawir selfie ah la gala.

Marka loo eego adeegyada caafimaadka xoolaha ee dawladda hoose ee Istanbul, magaaladu waxay hoy u tahay in ka badan 300,000 oo bisado iyo eeyo ah, laakiin dadka qaar ayaa aaminsan inay taasi tahay qiyaas hooseysa.

Xayawaankan ka duwan kuwa kale ayaa ah arrin hadalhayn leh ku noqday dadka deggan Istanbul.

Sagaashameeyadii, magaaladu waxay dirtay kooxo dabargoyn si ay wax uga qabtaan tirada sii kordhaysa ee bisadaha iyo eyda.

Laakiin walaac dadweyne ka dib, siyaasaddaas waa la joojiyey.

Hadda saraakiisha dawladda hoose waxay qabtaan xoolaha oo kaliya si ay u tallaalaan oo ay u daaweeyaan wixii dhibaato caafimaad ah.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post