711 Views

Xal laga gaaray Shaqo joojin ay ku dhawaaqeen Shirkaddaha diyaaradaha

Xal laga gaaray Shaqo joojin ay ku dhawaaqeen Shirkaddaha diyaaradaha
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 28 2020—Xal ayaa laga gaaray Shaqo joojin ay maanta ku dhawaaqeen Shirkaddaha diyaaradaha ee howlgalla Garoonka diyaaradaha ee Aadancadde ee Muqdisho.

Shaqo joojinta ayaa timid ka dib markii diyaarad aadi rabtay degmada Dollow ee Gedo Ciidanka NISA ay ka joojiyeen Shaqada.

Shir u bilowday Mas’uuliyiinta Garoonka iyo Shirkaddaha ayaa lagu guuleystay in xal buuxa laga gaaro, iyadoo hada shaqadii Garoonka uu dib u bilowday.

Boqolaal rakaab ah oo ku xayirnaa Garoonka ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay ka dhoofaan garoonka.

Waxaa sidoo kale Shirkaddaha diyaaradaha ay soo gudbiyeen cabashooyin dhowr oo ka dhan ah taliska NISA ee garoonka, iyadoo la isku raacay in si wadajir ah wax looga qabto


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post