294 Views

Kismaayo oo la gu wado in maanta ay ka dhacdo doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

Kismaayo oo la gu wado in maanta ay ka dhacdo doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 26, 2022

Sida ay horay u shaaciyeen Guddiga hirgelinta doorashooyinka Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay ka qabsoonto magaalada Kismaayo doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Xarunta Daawad ee Magaalada Kismaayo, ayaa la filayaa in goor dhaw ay ka bilaabato doorashada Saddex kursi oo kamid ah kuwa deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabka ayaa si dardar leh ugu socoto maamul gobaleedyada dalka, iyadoo shalay Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo lagu qabtay doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post